Deeq A. Posted September 2, 2019 Jowhar (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ay si wadajir ah ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka HirShabelle ay xalay uga sameeyeen gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey xaafadda Hantiwadaag ee degmadaasi. Saraakiisha hoggaamineyso howlgalkan ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa beegsiga kooxaha falalka amni daro ka geysta halkaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in howlgalkaasi lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Jowhar ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites