Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun adag ku riday askari arday ku dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun adag ku riday askari ka tirsan ciidamada Booliska Soomaliyeed oo dil u geystay allaha u naxariistee Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud oo ahaa arday wax ka baranayey magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

26 july sanadkan ayuu dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ku dilay Allaha Unaxariiiste Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir.

 Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud oo  ahaa arday dhiganayay  School ayaa marayay meel aan ka fogeyn Ceelgaabta xilli fiid hore ah, waxaana dil u geystay Dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo ay sheegeen markaatiyaal la socday Marxuumka in uu soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya Askariga dilka geystay.

Isla xilligii  uu geystay dilka ayay Ciidamada amniga xireen,  waxa uuna saldhiga Boliiska Xamarjajab ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta oo ah goobta laga dhaqaajiyo gal dacwadeedka.

Maalin kadib ayay Garsoorayaasha u direen xabsiga dhexe Eedeysanaha garsuge ahaan.

19 bishii tagtay ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Baashi Mustaf Cumar Dhaqane, 26 bishii sideedaad ayay ballamisay maxkamadda darajada koowaad dhageysiga dacwad ka dhan Baashi Mustaf Cumar Dhaqane.

Xafiiska Xeerilaalinta ayaa Maxkamadda horkeenay  Laba markaati, baarihii kiiska, sawirka marxuumka,  warqadda cadeynta dhimashada ee dhakhtarka iyo Qorigii uu dilka ku geystay oo nuuciisu ahaa AK47.

Markaatiyaasha Maxkamadda hortaagnaa oo laba ahaa ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in askariga dilka geystay uu umuuqday mid isticmaalay wax yaabaha Maanka-dooriya, waxa uu sidoo kale midkood uu sheegay in Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud uu ku dhawaaqay ha I dilin, waxaa nolosha ka leeyahay hammi sare balse nasiib xumo uu toogtay Baashi Mustaf Cumar Dhaqane.

Laba xidigle ismaaciil Salaad Maxamed  oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa ku dooday in Eedeysanaha Maxkamadda hortaagan uu ku xadgudbay sharafka ciidanka iyo ilaalinta muwaadinka waxa uu ka codsaday maxkamadda in lagu xukumo diltoogasha ah.

Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariiisto maadaama uu ahaa qof aan  miirkiisa joogin.

Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida kasoo saartay go’aan waxaana ay maxkamadda ku xukuntay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud,  sida uu u sheegay warbaahinta Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Go’aanka Maxkamadda ayaa ka furan rafcaan muddo la siman bil xukunka kadib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this