Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: R/W Kheyre iyo Axmed Madoobe oo wada-hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ay yeesheen wadahadal dhinaca Telephone-ka, ayna kawada hadleen Xaaladda Maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa soo wacay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ugu yaraan laba jeer todobaadkaan, markii ay Golaha Wasiirada amarka ku soo rogeen Socdaalka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kaas oo si rasmi ah u dhaqan galay.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay Xaaladda Jubbaland, waxaana la sheegay in Axmed Madoobe uu Kheyre ka dalbaday in uu la kulmo islamarkaana uu soo dirsado wakiilo si loo xaliyo Khilaafka labada dhinac.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa la sheegay in uu ogolaaday in Xukuumadiisa ay wadahadal la gasho hogaanka Axmed Madoobe, islamarkaana ay dhawaan bilaaban doonto wadahadalka dhinacyada.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale Kheyre u sheegay in magaalada Muqdisho u soo diri doono masuuliyiin ka socda maamulkaasi iyo Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo dhinaciisa ku matali doono wadahadalka Muqdishana lagu qaban doono.

Dad badan ayaa aaminsan in Xasan Cali Kheyre, uu raali ka yahay doorashadii ka dhacday Kismaayo ee lagu doortay Axmed Madoobe, islamarkaana wadahadal Xiriir hoose ah u dhaxeeyo labadan hogaamiye.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ayaa wada dedaalo ay ku doonayaan in ay isu keenaan madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo ku kala aragti duwan doorashadii ka dhacday Kismaayo 22-kii bishii hore, taas oo uu ku soo baxay Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sidoo kale Axmed Madoobe uu dhowaan warqad u qoray madaxweyne Farmaajo, balse aan weli looga soo jawaabin, ayada oo madaxweynaha uu aaminsan yahay in Axmed Madoobe uusan sharci ahayn, oo uusan mudneyn in lala hadlo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this