Sign in to follow this  
Deeq A.

YEMEN: 60 Qof Oo Ku Dhintay Duqayn Ay Xabsi La Beegsadeen Xulafada Sucuudigu

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yemen)-Deraasiin Dad ah ayaan ku dhintay Duqaymo ay Xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadku hoggaaminayaan la beegsadeen Xabsi ku yaaalla Galbeedka Dalka Yemen, sida laga xoo xigtay Jabhadda Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta.jpg

Yuusuf al-Hadri oo ah Afhayeenka Wasiirka Caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 60 Qof ay ku dhinteen Duqaymo diyaaradaha Xulafadu la beegsadeen goob Xabsi ahaan loo isticmaalo oo ku taalla Waqooyiga Magaalada Dhamar.

Wuxuu intaa ku daray inay dhaawacmeen illaa 50 Qof, sida uu u sheegay Afhayeenku, Telefiishanka Xuutiyiinta ee loo yaqaano Al Masirah TV.

Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in goobta la duqeeyay lagu hayey Maxaabiis Dagaal oo gaadhaya 185.

Laakiin, War ka soo baxay Xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ayaa lagu sheegay in diyaaradaha Xulafadu beegsadeen goob millateriga Xuutiyiintu leeyihiin oo ku taalla dhamar, isla-markaana burburiyeen goob ay ku kaydsanaayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka iyo Gantaallo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this