Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Gaadhay Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tel-aviva)-Raysal-wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed Ali ayay Axadda Maanta Dalka Isreal uga bilaabantay booqasho laba Maalmood ah.

69261205_553401858532009_715585687886023

Raysal-wasaare Abyi Axmed oo xilka Raysal-wasaaraha loo doortay bishii April ee sannadkii la soo dhaafay ee 2018-kii, ayaa Axadda gaadhay Magaalada Tel Aviv ee Caasimadda Isreal, ayaa si toos ah kulan Xafiiskiisa ugula yeeshay Raysal-wasaaraha Isreal, Benjamin Netanyahu.

Raysal-wasaaraha Itoobiya ayaa markii uu gaadhay Tel Aviv wuxuu Tacsi u diray ehelada Illaa Saddex Qof oo Isrealiyiin ah oo siyaabo kala duwan ugu Geeriyooday Itoobiya, waxaanu sheegay in dhimashada Dadkaasi oo midkood ku geeriyooday Diyaaraddii Itoobiya ee bishii March ee sannadkan burburtay ay si wada jir ah ugu muruuganayaan labada Dalba, maaddaama oo ay yihiin Walaalo, waxaana soo dhaweyntiisa ka qayb-galay Dad Isrealiyiin ah oo wakhti hore ku noolaa Itoobiya, sida uu baahiyey Wargeyska Jerusalem Post.

69689794_553401908532004_750106083800698

Dhinaca kale, Raysal-wasaaraha Isreal oo si wanaagsan u soo dhaweeyay Dhiggiisa Itoobiya, ayaa bogaadiyey isbeddello lagu horumarinayo dhaqaalaha Itoobiya oo Raysal-wasaare Abyi sameeyay muddadii uu xilka hayey.

Raysal-wasaaraha Isreal wuxuu sheegay inay dhiirigelinayaan Maalgeshi Dadka reer Isreal ku samaystaan, maaddaama oo Dad badan oo Isrealiyiin-Itoobiyaan ahi ku nool yihiin Itoobiya.

Labada Masuul oo si wada jir ah u qabtay Shir-jaraa’id ayaa sidoo kale ka hadlay Arrimo khuseeya Xidhiidhka ka dhexeeya Dalalkooda.

69261205_553401858532009_715585687886023

Raysal-wasaaraha Itoobiya oo Dalka Japan kaga qayb-galay Shirkii Horumarinta Afrika ee lagu qabtay Magaalada Yokohama ee Japan, ayaa isagoon dib ugu soo laaban Dalkiisa Itoobiya, wuxuu cagtiisii labaad ku gaadhay Isreal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this