Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre oo la kulmay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kharye oo maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa halkaasi kula kulmay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo looga warbixiyay Kulanka ayaa lagu sheegay in mudane Khayre iyo guddoomiyaya cusub ay ka wada-hadleen horumarinta gobolka Banaadir iyo sare u qaadidda amniga iyo bilicda caasimadda Muqdisho.

Guddoomiye Filish ayaa Ra’iisul wasaaraha warbixin ka siisyay sida ay u socdaan hawlaha gobolka iyo qorshayaasha uga degsan dardar-gelinta shaqooyinka horumarinta magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isna guddoomiyaha u ballan qaaday in xukuumaddu maamulkiisa kala shaqeyn doonto fulinta qorshayaasha horumarineed ee gobolka isagoo faray in uu la yimaado qorshayaal cadcad oo lagu xaqiijinayo horumarka caasimadda Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Khayre oo la kulmay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this