Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo miino baaris ah oo laga sameeyey Shabeelaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (SMN) – Faah faahinno ka soo baxaya howlgallo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay maanta ka sameeyeen inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay ciidamada huwanta si gaar ah uga fuliyeen agagaarka deegaanka Qalimow ee gobolkaasi.

Ujeedka howlgalladan ayaa saraakiil ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya waxa ay ku sheegeen Miino baaris.

Sidoo kale ciidamada ayaa howlgalladan ku soo qab qabtay illaa 20 Qof oo u badan dad Beerayley ah.

Mid ka ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Cod-goobjooge.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this