Sign in to follow this  
Deeq A.

Zakiyo “Dambiyo culus ayaa loo heystaa wasiirka amniga J/land”

Recommended Posts

Deeq A.   

 Muqdisho (SMN) – Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska, Soomaaliyeed, Generaal Zakiyo Xuseen Axmed ayaa ka hadashay kiiska wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Janan oo shalay ay xireen ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Zakiyo oo qoraal kooban soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa sheegtay in dambiyo culus uu ku eedeysan yahay wasiir Janan.

“Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus.”ayey tiri taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in haataan mas’uulkaasi ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Jubbaland ayaa si xoogan u cambaareysay xariga wasiirkeeda amniga loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this