Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma Dhabbaa In Wasiir Faratoon Uu Iscasilaad U Gudbiyay Madaxweyne Biixi??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa sheegay in aanu iscasilayn, waxaanu beeniyay warar sheegaya in uu gudbiyay warqadda iscasilaadda.

faratoon2.gif

Wargeyska Geeska Afrika ayaa wasiir Faratoon waydiiyay in ay jirto warqadda istaqaalada oo uu gudbiyay waxaanu sheegay in aanu iscasilin, islamarkaana aanu iscasilayn. Waxa uu been abuur ku tilmaamay wararka ku saabsan iscasilaaddiisa.

Wargeyska ayaa ku warramay in warar soo baxay sheegayeen in wasiirku arrimo gaar ah isu casilayo iyada oo ay jirto hadal hayn ku saabsan in madaxweyne Biixi samayn doono isku shaandhayn ay ku jirto in masuul kale loo dhiibo wasaaradda arrimaha dibadda.

Dhawaan ayay soo baxday in wasaaradda arrimaha dibadda uu maamulo wasiirka maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyada oo wasiir Faratoon dibadda ku maqan yahay inkasta oo ay joogeen masuuliyiinta kale ee wasaaraddu.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this