Deeq A. Posted September 1, 2019 Faah faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil xalay fiidkii ka dhacay xaafadda Arjantiin, degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho. Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in ay dileen wiil dhallinyaro ah oo ka mid ahaa dhallinyarada aadka looga yaqaan Kaaraan, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cadaawe Cabdulle Fareey. Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka qaarkood, raggii dilka ka dambeeyey ayaa isaga baxsaday halkaasi, waxaana goobta gaaray ciidamada ammaanka. Ciidamadan ayaa sameeyey howlgal ballaaran, waxaana lagu qabtay dhallinyaro badan oo saldhigga degmada su’aallo lagu weydiinayo. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe ahaa mid soo hagaagayey, waxaana aad u yaraa dilalka sidan oo kale ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites