Deeq A. Posted September 1, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Ergada beesha Cadaado ku mataleysa shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maanta gaaray M/ Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ergadan ayaa waxaa garoonka Ugaas Nuur ku soo dhoweeyey guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirkaasi, Cabdiraxmaan Baadiyow, ergadii horay u tegay Dhuusamareeb iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka. Xubnaha guddiga ayaa uga mahadceliyey waxgaradka Cadaado, sida ay u aqbaleen ka qeyb galka shirka iyo casuumada loo fidiyey. Dhowaan ayaa la filayaa inuu furmo shirka dib u heshiisiinta waxaana amniga sugaya ciidanka DF iyo kuwa AMISOM oo la wareegay xarumaha muhiimka ee magaaladaasi. Hakan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites