Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ergada Cadaado oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Ergada beesha Cadaado ku mataleysa shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa maanta gaaray M/ Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Ergadan ayaa waxaa garoonka Ugaas Nuur ku soo dhoweeyey guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirkaasi, Cabdiraxmaan Baadiyow, ergadii horay u tegay Dhuusamareeb iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Xubnaha guddiga ayaa uga mahadceliyey waxgaradka Cadaado, sida ay u aqbaleen ka qeyb galka shirka iyo casuumada loo fidiyey.

Dhowaan ayaa la filayaa inuu furmo shirka dib u heshiisiinta waxaana amniga sugaya ciidanka DF iyo kuwa AMISOM oo la wareegay xarumaha muhiimka ee magaaladaasi.

Hakan hoose ka daawo Sawirrada:

1.jpg2.jpg3.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this