Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo war ka soo saartay xarigga wasiir Janan

Recommended Posts

Deeq A.   
Janan.jpg?w=1000&ssl=1Cabdirashiid Janan wasiirka Amniga Jubaland

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa xaqiijisay in wasiirkoodi Amniga Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Janan) ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku xirtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay guddiga Amniga dowlad goboleedka Jubaland ayaa lagu sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay Sabtidii shalay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka af-duubtay wasiirkii Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan xilli uu halkaasi safar ku marayay.

Jubaland waxay sheegtay in xarigga loo gaystay wasiirka uu ka horjeedo shuruucda dalka iyo xuquuqda mas’uuliyiinta xasaanadda leh waxaana ay walaac ka muujisay ammaanka iyo bed-qabka mas’uulkaasi la xiray.

Sidoo kale Jubaland waxay hay’adaha Garsoorka heer Federaal iyo heer dowlad goboleedka Jubaland-ba ka codsatay in ay caddeeyaan xad-gudubka lagula kacay muwaaddinka xasaanadda leh islamarkaana u soo bandhigaan sharciga dalka.

waxay kaloo ka digtay cawaaqibka ka dhalan kara in lagu dhaqmi waayo xeerarka iyo shuruucda dalka u yaalla taaso sida ay Jubaland sheegtay wiiqi doonta midnimada iyo wada-noolaanshaha Qaranka Soomaaliyeed.

Dhinaca kalena Booliiska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay Sabtidii shalay xabsiga dhigeen wasiirka Amniga Jubaland oo sida ay sheegeen ku eedaysan dembiyo culus balse aysan faahfaahin.

Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Ciidanka Booliiska Soomaliyeed ay shalay soo xireen eedaysane C/Rashiid Xassan Nuur (Janan) oo ku eedaysan dembiyo culus waxaana ay xustay in baaritaan ku socdo.

Hoos ka akhriso qoraalka

1.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo war ka soo saartay xarigga wasiir Janan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this