Sign in to follow this  
Deeq A.

635 Oday oo iska diiwaangeliyey Al-Shabaab iyo muddo cusub oo loo qabtay ergada kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab ayaa markale war cusub ka soo saartay tirada ergada soo dooratay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee illaa iyo hadda iska diiwaangelisay deegaanada ay maamusho.

Warka ka soo baxay Al-Shababa ayaa lagu sheegay in bayaankoodii ay ka jawaabeen 635 oday, kuwaas oo is diiwaangeliyey.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay in illaa iyo hadda deegaanadooda ay ku sugan yihiin in ka badna 263 ergo oo Towbadkeenayaal ah, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxaa kale ay warkan ku sheegtay in diiwaanka ay ku jiraan 213 ruux oo kale, kuwaas oo loo qabtay ballantii ay ku imaan lahaayeen deegaanada Al-Shabaab.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa muddo kordhin u sameysay ergada illaa iyo hadda anaan isa soo diiwangelin, maadaama muddadii loo qabtay ay ku ekeyd shalay oo Axad aheyd .

Saraakiisha Al-Shabaab ayaa markale go’aamiyey in 10 cisho oo dheeraad ah loogu daro ergooyinka kale ee aan weli tagin goobaha looga yeeray.

Bayaankan ka dhanka ah ergada ayaa soo baxay 15 kii bishii hore ee July, waxaana fuliyey odayaal badan oo tegay deegaanada Al-Shabaab, iyagoo ka cabsanayo in la beegsado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this