Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Tahay Sababta Loo Xidhay Wasiirka Amniga Maamulka Jubaland?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdish)-Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagu xidhay wasiirkii wasaarada Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, wasiirka oo safar u ahaa dalka Itoobiya ayaa kusii hakaday Garoonka diyaarada ee Magaaalada Muqdisho. Waxaana halkaas ka xidhay ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

FB_IMG_1567259600904.jpg

Sababta keentay Xadhiga wasiirka waxaa si kooban uga hadlay Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Tamarta Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal. Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada booliska Caalamiga ah ee Interpol iyo kuwa Soomaaliya ay xadhigiisa iska kaashadeen.

“Abdirashid Janan Wasiir kii hore ee Amniga DG Jubaland oo danbiyo kala duwan ka galay Bulshada Reer Gedo iyo degaanada la dariska ah kuna raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta danbi baadhista Booliska Soomaaliyeed ( CID)ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho. Cidna kama baxsan karto Cadaaladda” ayuu yidhi wasiirku.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this