Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibadbaxyo Lagaga Soo Horjeedo Raysal Wasaare Boris Johnson Oo Ka Dhacay Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Kumaan qof ayaa iskugu soo baxay dibadbaxyo waaweyn oo ka dhacay wadanka UK, kuwaasi oo ka dhan ah go’aanka raysal wasaare Boris Johnson’ ku mamnuucay kulamada baarlamaanka, iyadoo dhowr toddobaad ay ka hadhsan tahay ka bixitaanka UK ee midowga Yurub.

15672830560ee4a.jpg

Magaalada London ayaa waxaa iskugu yimid kumanaan qof cadheysan Sabtida shalay, waxaana ay hor dhoobteen aqalka madaxtooyadda ee ku yaalla wadada lagu magacaabo Downing Street.

Waxa uu sameynayo Boris Johnson ma aha go’aan ay raacsan yihiin shacabka UK, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegay Andrew Russell oo ka soo jeeda degmada Kent.

Mr Andrew oo 40 jir ah ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay difaaca Baarlamaanka kana soo horjeedaan wax walba oo ka hor imaanaya dimuquraadiyada UK.

Siyaasiyiinta iyo xubnaha baarlamaanka ayaa doonaya in 31 bisha October ay UK heshiis la’aan kaga baxdo midowga Yurub, inkastoo ra’isul wasaare Boris uu doonayo in wada xaajood cusub la bilaabo midowga si wax looga badalo heshiiska labada dhinac.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this