Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo wadda qorshe ay ku soo xero gelinayso xubno katirsan Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa wadda qorshe cusub oo ay ku soo xero gelinayso saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka Somaliland kana soo jeeda gobolka Sanaag.

Xukuumadda madaxweyne Siciid Cabdullaahi Denni, xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland iyo maamulka gobolka ayaa doonaya inay sii xoojiyaan soo xero gelinta shaqsiyaadka huray gacanta Somaliland.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore oo katirsan barlamaanka Puntland lagana soo doorto gobolka Sanaag oo wax laga waydiiyey joogitaanka guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Badhan ayaa sheegay in uu kuyimid arrin qoys.

Dhoore waxa uu sheegay in ay horay u soo xero geliyeen rag katirsanaa Somaliland haddana aysan doonayn inay xabad iyo xoog wax walba ku wajahaan arrinta guddoomiyahana uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Sanaag.

The post Puntland oo wadda qorshe ay ku soo xero gelinayso xubno katirsan Somaliland. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this