Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo kordhineyso saraakiisha haweenka Booliska Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in uu sare u qaadi doono saraakiisha haweenka ee ku jira ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliye Xijaar ayaa ballan qaaday in muddada uu joogo uu ka shaqeyn doono sidii loo badin lahaa tirada gabdhaha ee saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliya.

“Waxaan xoojin doonaa Gender-ka Booliska oo aan ku soo dari doono tirada hadda gabdhaha ka joogta kuwa intaas ka sii badan marka aan xilka wareejinayo.” ayuu yiri taliyaha cusub ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dhanka kale wxuu ballan qaaday inuu ka war heyn doono caruurta agoonta ee ciidamada Booliska Soomaaliyeed, si ay u helaan daryeel wanaagsan.

Ugu dambeyn waxuu taliyu sheegay inuu xoojin doono wada shaqeynta shacabka iyo Booliska Soomalaiyeed.

Taliye General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay xilkiisa, kadib munaabad ka dhacday gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Halkan hoose ka dhageyso Codka

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cod-booliska.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this