Deeq A. Posted September 1, 2019 Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa ka hadashay waxa ka jira wararka sheegaya in diyaarad hub sida ay saacadihii la soo dhaafay ka degtay garoonka magaalada Qardho ee maamulkaasi. Taliyaha ciidanka ilaalada garoonka magaaladaasi Sharma’arke Ismaaciil Mire oo la hadlay warbaahinta ayaa beeniyey in ay jirto diyaarad hub ka dejisey halkaasi. Sharma’arke ayaa sidoo kale sheegay in diyaaraddu ay aheyd mid rakaab ah oo duulimaad caadi ah ku tegtay garoonka Qardho. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in laga war hayo dhammaan diyaaradaha tegaya deegaanada Puntland Ugu dambeyn wuxuu taliye Sharma’arke Ismaaciil Mire uga digay dadka inay faafiyaan warar been abuur ah oo aan la hubin. Hadalkan ayaa kusoo aadayaa, iyadoo baraha bulshada si aad ah loogu faafiyey in diyaarad hub sida ay ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites