Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beyle oo shaaciyey in aysan DF ka hortagi karin dakhliga ay Al-Shabaab ka hesho Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle) ayaa shaaciyey in xukuumadda federaalka aysan ka hortagi karin dakhliga ay Al-Shabaab ka hesho magaalada Muqdisho.

Beyle oo la hadlayey wargeyska caanka ah ee Washington Post ayaa qiray in dowladdu aysan laheyn awood ay ku joojiso dhaqaalaha faraha badan ee kooxda Al-Shabaab ka hesho gudaha Caasimada.

“Waa xaalad cabsi ah, ma heyno awood aan ku wajanho arrinaasi” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale (Beyle), isagoo ku sugan dalka Japan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dagaalyahannadooda ay joogaan meel kasto, iyaga oo isku ekeysiinaya shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhibaatada waa mid hal nooc ah Al-Shabaab waa Soomaali, sida aniga ama qof kale meel walba ayey joogaan, waana naga mid yihiin” ayuu hadalkiis sii raaciyey.

Sida ay horay Caasimada Online u baahisay Al-Shabaab ayaa malaayiin Doller sanadkii ka hesha Muqdisho, iyadoona canshuur ka qaada dekedda iyo ilo kale oo muhiim ah.

Sdioo kale waxay lacago Zakawaat ah iyo Canshuur ka qaadaa ganastada oo tegay deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Hadalka ka soo baxay wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka mid ah wasiirada ugu miisaanka culus xukuumadda Soomaaliya ayaa dhabar jab ku ah dowladda federaalka, sidoo kale wuuxuu niya-jab ku sii ridayaa ganasatada Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this