Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo ka hadashay xariga wasiirka amniga ee Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka xukuumadda federaalka Soomaaliya,  Mudane Maxamuud Cabduqaadir (Hilaal) ayaa ka hadlay xariga wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo shalay lagu xiray garoonka magaalada Muqdisho.

Hilaal oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in Janan loo heysto dambiyo kala duwan oo uu ka ka geystay gobolka Gedo ee K/Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa laanta dambi baarista ay CID ay baadi goobayeen in muddo ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Abdirashid Janan Wasiir kii hore ee Amniga DG #Jubaland oo danbiyo kala duwan ka galay Bulshada Reer #Gedo iyo degaanada ladariska ah kuna raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta danbi baarista.” ayuu yiri wasiir Hilaal.

Illaa iyo hadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ma shaacin sababaha rasmiga ee loo soo xiray wasiirkaasi oo ka mid ah xubnaha ku dhow Axmed Madoobe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this