Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo cambaareyn la kulantay kadib shirkii Afrika iyo Japan

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa eedeyn iyo cambaareyn culus la kulantay kadib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Yokahama ee dalalka Afrika iyo Japan.

Dowladda Mauritius oo qeyb ka aheyd shirkaasi ayaa maamulka Somaliland ku eedeysay inuu ku xadgudbay heshiiskii maxaabiista Burcadbadeedda Soomaalida.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Pravind Jugnauth oo si gaar ah ula kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyey go’aanka ay Somaliland ku siideysay maxaabiistaasi oo ku xirnaa xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Maxaabiista oo gaarayey illaa 19 ayaa Somaaliland waxa ay sii deysay bishii hore ee Julay, kadib markii cafis uu u fidiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Horay waxaa tallaabadaasi u cambaareysay Seychelles oo iyadu soo xukuntay maxaabiistani, looguna talagalay in ay xabsiga ku dhameystaan Hargeysa.

Seychelles ayaa sidoo kale Somaliland ku eedeysay inay jabisay heshiis dhexmaray dalalka dhaca Badweynta Hindiya, kaas oo ku aaddan habka loo wajahayo Burcadbadeedda.

 

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa 
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this