Deeq A. Posted September 1, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Waqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay fiidkii lagu dilay nin dhalinyaro ahaa, ka dib markii ay qaybaha kore ee jirkiisa ka toogteen rag bastoolado ku hubeysnaa. Dilka oo ka dhacay xaafadda Arjantiin ee Degmada Kaaraan, iyadoo ay dilkaasi gaysteen laba nin oo sida la sheegay ku hubeysnaa bastoolado. Raggan oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin ayaa dilka ka dib waxaa u suurtagashay inay goobtaasi ka baxsadaan, lamana garanayo ujeedada ka dambeysa inay ninkaasi dhalinyarada ah dilaan. Marxuumka oo ka mid ahaa dhalinta ku dhaqan xaafadda Arjantiin ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cadaawe Cabdulle Farey. Ciidamada Booliska oo ku baxay halka uu dilku ka dhacay ayaa tagey goobtaasi, xilli ay baxsadeen dembiile-yaasha, lamana soo sheegin cid ay dilkaasi u soo qabteen. Amniga Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay ka soo reynaayay, waxaana aad u yaraaday dilalka ay ka gaysanayan ragga bastooladaha ku hubeysan, ee sida dhow loola xiriirinayo maleeshiyada Ururka Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites