Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kajira in diyaarad hub sidda ka degtey garoonka Qardho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Saacadihii ugu dambeeyey waxaa laysla dhex marayey in diyaarad laga leeyahay oo hub siddey ay ka degtey garoonka diyaaradaha magaalada Qardho ee caasimadda gobolka Karkaar.

Haddaba dowladda Puntland ayaa beenisey in ay jirto diyaarad hub ka dejisey garoonka Qardho ayna warkaasi ka dambeeyeen koox been abuurayaal ah.

Taliyaha ciidanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Qardho Sharma’arke Ismaaciil Mire oo waraysi siiyey idaacadda Garoowe ayaa sheegay inuusan jirin wax hub ah oo Qardho laga dejiyey.

Taliyaha ayaa waraysigiisa ku sheegay in diyaaraddu ay ka mid ahayd duulimaadyadii caadig ahaa ee Puntland isla markaana uusan jirin wax hub ah oo Puntland qabatay maga laga soo dejiyey.

PUNTLANDPOST

The post Maxaa kajira in diyaarad hub sidda ka degtey garoonka Qardho. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this