Sign in to follow this  
Deeq A.

Odowaa Oo Isu Sharaxay Madaxtinnimada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaflad weyn oo galabta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxuu Cabdiraxmaan Odowaa ku iclaamiyey murashaxnimadiisa madaxtinnimada Galmudug.

Xafladda waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-Xigeenka 1aad ee aqalka sare mudane Abshir Maxamed Axmed, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, siyaasiyiin, dhalinyaro, odeyaasha dhaqanka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiye Abshir Axmed oo ka mid ahaa dadkii goobta ka hadlay ayaa taageero u miijiyey Odowaa isaga oo intaa raaciyey inuu yahay nin umadda isu keeni kara, isla markaana bogsiin kara, ka shaqeyn kara danta umadeed oo mid ah, loona baahan yahay in la garab istaago.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Odowaa oo ka hadlay goobta ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, waxaa uu Sidoo kale balanqaaday inuu barnaamijkiisa soo gudbin doono maalmaha soo socda, waxuuna uga digay dowladda iney iskudeydo xoog iyo jajuubka rabitaanka reer Galmudug.Image may contain: 8 people, people smiling, people standing and indoorImage may contain: 8 people, people smiling, crowd and indoor69431252_2672382392794412_8317425844851048448_n.jpg?_nc_cat=104&_nc_oc=AQnEsNj_QF1V1aQbFjRM0HS-dUHkaIdJIbzGuh9FzCg686F-ykD86uPHxlfNUWuJWCY&_nc_ht=scontent.fmgq1-1.fna&oh=28e6c395616dc7c532fdeecc89fe1f76&oe=5E046B38
Image may contain: one or more people, crowd and indoor
Gobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this