Deeq A. Posted August 31, 2019 Muqdisho (SMN) – Kooxo hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay dil ka geysteen waaxda Jabuuti ee degmada Kaaran, magaaladda Muqdisho. Falkan khaarijinta ah ayaa waxaa la sheegay in lagu naf-gooyey nin magaciisa lagu soo koobay Cadde Farey. Wararka qaarkood ayaa intaasi ku daraya in marxuumka uu kamid ahaa ciidamada canshuuraha ee dowladda Soomaaliya. Dadka degaanka ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in falka ka dib aysan jirin cid ka tirsan laamaha amniga oo goobta yimid. Dilkan ayaa kusoo aadaya iyadda oo nabad-gelyadda magaaladda ay mudooyinkii dambe ahayd mid xasiloon oo aysan ka dhicin wax dil ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites