Sign in to follow this  
Deeq A.

Janan oo laga soo xiray degmo ka tirsan Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan ayaa laga soo xiray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Xariga Mr Janan ayaa lagu waramayaa in ay ka dambeysay markii ay burbureen wada hadalo uu lahaa ciidamo halkaasi ku sugan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in markii ciidamada ay keeneen garoonka diyaaradaha Muqdisho ay ku wareejiyeen booliska CID-da.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysay xarigiisa, balse wada hadalada ayaa la sheegayaa in ay qayb ka ahayeen in loo qaado caasimada dalka oo uu diiday.

Ma jiro mas’uul ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ka hadlay sababaha loosoo qabtay wasiir Janan.

Balse warbixinada ayaa tibaaxaya in Janan loo haysto dilal la sheegay in ay ka dhaceen qaybo kamid ah gobolada Jubbaland gaar ahaan Jubadda Hoose.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, oo la hadlay BBC-da ayaa shaki geliyey xaqiiqadda warkan.

“Ma caddeyn karo, balse dowladda federaalka wax kasta waa ay ka suurtogeli karaan, laakiin ma xaqiijin karno,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Sikastaba ha ahaatee, xariga wasiir Janan oo saxiibo dhow la ah Axmed Madoobe ayaa imaanaya xili dowladdu qaadacday waxyaabihii bishaan ka dhacay Kismaayo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this