Sign in to follow this  
Deeq A.

Hindiya Oo Muwaadinnimada Kala Noqotay Ku Dhawaad 2 Milyan Oo Qof

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hindiya)-Ku dhawaad laba milyan oo qof oo ku nool gobolka Assam ee dalka India ayaa wajahaya waddan la’aan, kaddib marki ay iska waayeen liiska dadka muwaadiniinta Hindiga ah oo ee maanta soo baxay.

04D4436E-224A-40E9-817C-3A4EBE4EDC39_w10

Tallaabadaan ayaa qeyb ka ah olole ay waddo dowladda dhexe ee India oo dooneysa in ay muwaadinnimada kala laabato dadka ajnabiga ah ee soo galay India. Dadka aanan ku jirin liiska muwaadiniinta Hindiga ah ee gobolka Assam ayaa la sheegay in badankood ay yihiin Muslimiin.

Gobolka Waqooyibari ee Assam ayaa la sheegay in muhaajiriin badan oo kasoo jeeda dalka Bangladesh ay u qaxeen inti uu socday dagaalki xurriyada Bangladesh ee sanadki 1971.

Liiska dadka la siiyay muwaadinnimada gobolkaan ayaa gaadhaya in ka badan 31 milyan. Waxana dowladdu ay ku saleysay dadki gobolkaasi daganaa wixi ka horreeyay sannadki 1971-ki.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa ka walaacsan in dadka iska waayay liiska muwaadinnimada India ee gobolka Assam ay wajahaan xabsi ama musaafuris iyo sidoo kale in ay waayaan xuquuqda ka qeybgalka doorashooyinka iyo in ay codkooda dhiibtaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this