Deeq A. Posted August 31, 2019 Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubaland C/Rashiid Janan ayaa lagu xiray Magaalada Muqdisho gaar ahaanna Garoonka Aadan Cadde. Xarigga Wasiir Janan ayaa yimid kaddib markii diyaarad uu la socday ay soo caga dhigatay Garoonka Aadan Cadde isaga oo taransit ku ahaa. Diyaaradda ayaa fulineysay Amarka Dowladda Soomaaliya ku soo rogtay Magaalada Kismaayo taas oo ahayd in diyaarad kasta oo tageysa Kismaayo ama ka duuleysa ay marto Magaalada Muqdisho. Xarigga Wasiirka amniga Jubaland ayaa imanaya iyada oo dowladda Soomaaliya sheegtay in aysan aqoonsaneyn natiijada doorashadii Jubaland ka dhacday 22kii Bishan ee lagu doortay Axmed Madoobe. Intii ay doorashadaas socotay Jubaland ayaa dowladda Federaalka ah ka mamnuucday Magaalada Kismaayo,waxaana ay fureen maalin kaddib doorashada. Hayeeshee labo maalmood kaddin Hay’adda socdaalka Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in Kismaayo diyaaradaha tagaya ay maraan Magaalada Muqdisho taas oo dhaqan gashay. Maanta Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay banaanbax lagu diidanaa amarka dowladda Soomaaliya ku soo rogtay Magaalada Kismaayo diyaaradaha taga. Share this post Link to post Share on other sites