Deeq A. Posted August 31, 2019 Kismaayo (SMN) – Dibadbax lagu taageerayey maamulka Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale banaanbaxan ayaa looga soo horjeeday go’aankii dowladda Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tegaya Kismaayo ay soo maraaan magaalada Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadweynaha la soo qasbay, si ay uga qeyb galaan dibadbaxaasi. Dhinaca kale waxaa isla maanta Kismaayo ka dhacay dibadbax kale oo ay dhigeen dad taageersan xubnaha isbedal doonka ee ku sugan magaaladaasi. Banaanbaxyadan ayaa saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa guud ah magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Dhowaan ayey aheyd markii doorashooyin iska soo horjeeda ay ka dhaceen halkaasi, kuwaas oo lagu doortay illaa saddex Madaxweyne. View the full article Share this post Link to post Share on other sites