Deeq A. Posted August 31, 2019 Ceerigaabo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil gaari oo maanta ka dhacay deegaanka Tawalka oo hoostaga gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Gaariga oo noociisu ahaa Yuudhii ayaa rogmaday, kaas oo ku sii jeeday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ku dhowaad lixdan qof oo la socota gaarigan ayaa la sheegay inay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay shilkaasi. Dadkan ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Itoobiya, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen Tahriibayaal. Inta badan shilalka ayaa ku soo laa laabta gobollada Sool iyo Sanaag, waxaan loo sababeeyaa burburka jidadka iyo darawallada oo si xawli ah u kaxeeya gaadiidka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites