Deeq A. Posted August 31, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ee Hiil-Walaal ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ciidamadan ayaa ka soo ambabaxay dhanka gobolka Hiiraan, iyagoona xalay ku hoyday inta u dhexeysa degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiinta Galmudug, siyaasiyiin iyo saraakiil ayaa ciidankan ku soo dhoweeyay duleedka magaaladaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada AMISOM ay fariisimo cusub ka sameysteen xarumaha muhiimka ee ku yaalla halkaasi. Horay ayaa waxaa magaalada Dhuusamareeb ugu sugnaa ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda, kuwaas oo laga qaaday gudaha magaalada Muqdisho. Dhowaan ayaa lagu wadaa in la qabto shirweynaha dib u heshiisiinta iyo doorshada maamulka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites