Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Guddoomiye Filish oo la kulmay ku xigeenadiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddoonka sare ee maamulka maamulka gobolka.

Kulanka dhexmaray Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir,ayaa la xiriiray dardargalinta  howlaha ay dowlada hoose ee Xamar ugu qidmeyneyso bulshada ku dhaqan caasimada jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulankani ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta islaxisaabtanka iyo la dagaalanka musuq maasuqa taas oo qeyb ka ah siyaasada guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed(Cumar Filish) oo kulankaasi hadallo ka jediyay ayaa maamulka gobolka kula dardaarmay in s dhab ah loogu shaqeeyo dadka iyo dalka.isla markaana lala yimaado howl karnimo iyo dadaal dheeraad ah.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Filish 1-141-696x302 3-125-594x420

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this