Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka digey in la khasaariyo tallaalka xoolaha Puntland.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta daahfuray olole lagu tallaalayo in ka badan 3 Million oo kamid ah xoolaha Puntland.

Wasiir wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha dowladdda Puntland Siciid Cismaan Aadan oo wasaaraddiisu fulinayso ololahaan ayaa takhaatiirta kula dardaarmay inay dulqaad u yeeshaan shaqada ay hayaan latallina siiyaan dadka reer guuraaga ah.

Ugu dambayntiina madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan oo daahfuray tallaalka ayaa dalbaday in meesha ay leedahay lamariyo dawadaan dhaqaalaha badan ku fadhida isagoona sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii si qaldan u khasaarisa dawooyinka.

DHEGAYSO

PUNTLANDPOST

The post Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ka digey in la khasaariyo tallaalka xoolaha Puntland. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this