Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo gashay heshiis mashruuc looga fulinayo Berbera Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, iyo agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah, Mr Stefano Manservisi ayaa si wadajir ah maanta u saxiixay 23 Milyan Yuuro oo Midowga Yurub ay ku maal gelinayaan mashruuca horumarineed oo loogu magac daray Eng. Yariisow, kaasi oo ka qayb qaadanaya horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera.

Mashruuca Eng Yariisow qaybtiisa Muqdisho oo lagu maal gelinayo 15 Milyan oo Yuuro ayaa si casir ah loogu dhisayaa wadda dhirirkoodu dhanyahay 17 KM, iyada oo qaybtiisa Berbera, looga shaqeynayo xoojinta awoodda dowladaha hoose ee qorshaha horumarinta magaaleynta iyo horumarinta dhallinyarada.

Munaasabadda lagu saxiixay heshiiska waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, guddoomiyaha gobalka Banaadir, safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya Ambassador Nicolas Berlanga Martinez iyo qoyska guddooyihii hore ee gobalka Banaadir.

Agaasimaha guud ee midawga Yurub ee horumarinta caalamiga ah Mr Stefano Manservisi ayaa munaasabadda saxiixa heshiiska ka sheegay in mashruucu uu ka qayb qaadanayo hir-gelinta hidnisihii iyo riyooyinkii nabadda iyo horumarka ee guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Yariisow.

Wasiirka Qorsheynta XFS oo munaasabadda heshiiska ka sheegay in Mashruuca Eng. Yariisow uu ka qayb qaadanayo dadaallada horumarinta dalka, ayaa caddeeyay in dhawaan la hir gelin doono si loo gaaro horumarka la hiigsanayo ayna ummadda Soomaaliyeed ay uga faa’iideysato.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in xaqiijinta mashruuca Eng. Yariisow ee diiradda lagu saarayo uu caddeyn u yahay in dowladdu ay muhiimad siinayso guuleysiga aragtidii Guddoomiyihii gobalka Banaaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan.

331A7940.jpeg 331A8085.jpeg 331A8072.jpeg 331A8051.jpeg 331A8019.jpg 331A7994.jpeg 331A7924.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this