Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ujeedada yaabka leh ee ciidamada AMISOM loo geeyey Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Cutubyo ka tirsan Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo ka qeyb qaadanaya sugida amniga Shirweynah Dib u heshiisiinta Galmudug iyo howlaha dhismaha Maamulka Galmudug.

Ciidamada Jabuuti oo safar dhinaca dhulka ah uga soo baxay magaalada Beledweyne ayaa soo maray degmada Matabaan iyo Guriceel, waxaana ay si nabdoon ku yimaadeen Dhuusamareeb.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ee qeybta 21aad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Ciidamadan ku soo dhoweeyay afaafka hore ee magaalada.

Gawaarida gaashaaman iyo kuwa xamuulka ah ee ay Ciidamada Jabuuti ay wateen ayaa lagu arkayay bartamaha magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay saldhig ka sameysteen Garoonka diyaaradaha iyo xarumo ku yaalla gudaha Magaalada.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Xafiiska Ra’isulwasaaraha, Ujeedada Ciidamada AMISOM loo geeyey Magaalada Dhuusamareeb ayaa ah cabsi laga qabo Ahlu Sunna Wal-Jameeca inay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka sameyso Magaaladaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa afgambi farsameysan ku sameysay Awoodii Ciidan ee Ahlu Sunna taasoo hadda u muuqato inay meesha ka baxday.

Dowladda ayaa la wareegtay Saraakiishii Ahlu Sunna daacadda u ahaa oo uu ugu horreeyey Taliyaha hadda loo magacaabay qeybta 15-aad ee Mascuud kaasoo hadda daacad u noqday Dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this