Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha cusub ee Booliska oo ku dhawaaqay go’aan culus oo ku saabsan jidadka xiran ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdsho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa Taliska Booliska Soomaaliyeed ka dalbaday in ay furan Wadooyinka Xiran ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Filish oo kaqayb galayay munaasabadda uu xilka kula wareegayay Taliyha cusub ee Ciidanka Booliska soomaliyeed  ayaa waxa u kacodsaday Taliska Ciidanka booliska in ay furaan wadooyinka muqdisho ee xeran.

Cumar Finish ayaa sheegay in shacabka Muqdisho ay dhib badan ku qabaan wadooyinka Xiran isaga taliska ka dalbaday in ay si deg deg ah u furaan.

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir  ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sidokale waxa uu shacabka kadalbaday in ay lashaqeeyaan ciidamda amaanka si looga horta waxa uu ugu yeeray nabad diidka.

Taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya oo maanta Xilka la wareegay Cabdi Xasan Xijaar  oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa sheegay in isiga iyo Gudoomiyaha Cusub ay qaadi doonaan Dhagxaan ku xiran wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay la kaashan doonaan furitaanka Wadooyinka si loo xoojiyo wada shaqeynta Ciidanka Booliska iyo maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa uu sidoo kale shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Habeen kahor ayay aheed markii Gudoomiyaha Cusub uu Xil la wareegay waxa uuna sheegay in uu si deg deg ah u firidoono wadooyinka Xiran ee Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this