Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Gaadhi Siday Tahriibayaal Itoobiyaan Ah Oo Ku Rogmaday Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sanaag)-Wararka aanu ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Shil gaadhi oo sababay Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaanka ka tirsan Gobolka Sanaag.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu Rogmaday gaadhi ay la sodeen ku dhawaad 150 qof tahribyaal Itoobiyan ah, isla markaana kusoo waajahnaa Magaalada Boosaaso, hayeeshee xilli ay marayeen deegaan lagu magacaabo tawakal ayuu rogmaday gaadhigii ay la socdeen.

Ugu yaraan 50 ruux oo kamid ah Tahriibayaasha Itoobiyanka ah ayaa ku dhaawacmay Shilka, halka weli aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada dhimasho, balse ay jiran dad ku geeriyooday halkaas.

Goobta uu shilka ka dhacay ayaa waxaa gaadhay dadka deegaanka oo gurmad deg deg ah u sameeyay dadkii halkaas ku waxyeeloobay,waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday Cisbitaalka ku yaalla Sanaag.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this