Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibadbax Lagaga Soo Horjeedo Dawladda Soomaaliya Oo Ka Socda Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kismaayo)-Dibadbax balaadhan oo lagaga soo horjeedo go’aan ay dawladda Federalka Somalia ay ka qaadatay diyaaradaha taga magaalada Kismaayo ayaa ka bilaabmay Magaalada Kismaayo ee xarunta dawlad gobolleedka Jubbaland.

dibad.jpg

Boqolaal dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaaladaasi, kuwaas oo dareenkooda ku muujinaya sida ay uga soo horjeedaan cunaqabataynta iyo xayiraadda diyaaradaha magaalada Kismaayo kaas oo ay dowladda Federaalka Soomalaiya ku soo rogtay deegaanada Jubbaland.

Boqolaalkan Shacab ah ayaa iskugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalada Kismaayo, kuwaa oo sita boodhadh lagu soo xardhay ereyo ka dhan ah dowladda Soomaaliya.

Waxaa xayiran guud ahaan goobihii ganacsiga magaalada waxaana ay dadku ku qeylinayaan erayo ka dhan ah dowladda Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-gobolleedka Jubbaland ayaa xidhiidhkooda uu xumaa mudooyinkii u dambeeyey, sidoo kale waxaa xiisad diblumaasiyadeed dowladda Soomaaliya ay kala dhaxeysa dalka Kenya oo ciidammada ugu badan ay ka joogaan magaalada Kismaayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this