Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar Oo Sheegtay In Mar Kale Dil Toogasho Ah Loogu Hanjabay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa shaacisay in hanjabaad cunsurinimo ah loo soo diray loona sheegay in lagu dili doono madal ay dawladdu qabanayso, dilkaasna uu gaysan doono “qof awood u leh oo qori wayn wata”.

ilhanjawab-690x430.jpg

Ilhaam Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa sheegtay in fariimo dadka soo diraya ay is qarinayaan oo noocaas oo kale ah ay sababeen in ay ilaalo samaysato.

Waxay hadadalkaas sheegtay iyadoo Roy Moore oo ah murashax aqalka Senet-ka quudaraynaya uu sheegay in “Madaxweyne Trump uu hadal sax ah sheegay, ayna dib ugu laaban doonto Soomaaliya”.

Xildhibaanka xisbiga Jamhuuriga ee Alabama ayaa ku baaqay in Ilhaan laga eryo aqalka Congress-ka.

“Waan necbahay in aan ku nool nahay duni uu qofi kaa ilaalinayo dad kale,” ayay qortay Ilhaan oo Maraykanka tagtay iyadoo 12 jir ah oo qaxooti ah.

“Balse inta dadkan aan fayoobayn ay u hanjabayaan aniga iyo dadka kalaba waa in aan aqbalaa xaqiiqada ah in la i waardiyeeyo.”

Xubanaha Xisbiga Jamhuuriga ayaa inbadan duray Ilhaan iyaga oo dhaliishan meesha ay ka taagan tahay Israa’iil, waxayna ku eedeeyeen Yuhuud nacayb.

Ihaan ayaa sidoo kale dhaleecayn kala kulantay xubno ka tirsan isla xisbigeeda Dimuqraadiga mar ay ka hadashay calaaqaadka Maraykanka iyo Israa’iil, balse way diiday in ay Yuhuudda neceb tahay.

Waxay raali galin ka bixisay sida ay uga hadashay Yuhuudda iyadii soo qaadanaysay qolyaha Israa’iil u ol’oleeya.

Xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Alabama ayaa meelmariyay qaraar ay ergada Congress-ka gobolka Alaba ugu baaqaya in la billaabo habkii lagu eryi lahaa Ilhaan iyadoo la eegayo hadalladii ay ka tidhi Israa’iil, arrintaas ayaana la sameeyay maalmahihii nasashada ee Maraykanka ama Sabtidii iyo Axaddii, sida uu ku warramay AL.com

Waxay intaas ku sii dartay duritaan ay u jeedisay Moore, iyada oo soo qaadanaysa eedaynta ay soo jeediyeen saddexda dumar ah oo sheegay in uu arrimo galmo la xiriira kula kacay markay da’yarta ahaayeen.

Ilahaan ayaa sheegtay inay hanjabaado dil ah oo dheeri ah la kulanto markaste oo ay dhaleecayn kala kulanto madaxweynaha.

Xildhibaanaddan ayaa wajahaysa su’aalo ay gacata ku hayaan Guddiga Doorashada ee Faderaalka oo ka timid National Legal and Policy Center, kuwaas oo ku saabsan in Ilhaan ay lacagtii ol’olaha doorashada u adeegsatay inay siiso lataliye dhanka siyaasadda ah kaas lala xidhiidhiyay in uu dareen dhexmaray.

Ilahaan ayaa diiday inay gogol dhaaf samaysay, iyada oo waraysi siisay CBS Minnesota ayayna diiday inay ka faalooto nolosheeda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this