Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Ciraaq Oo Dacwad Ka Dhan Ah Israa’iil U Gudbineysa Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ciraaq)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ciraaq ayaa sheegay in xukuumada Baqdaad ay isku diyaarineyso dacwad ka dhan Israa’iil kadib markii baadhitaano amni oo la sameeyay lagu ogaaday inay ka dambeyso duqeymo ka dhacay toddobaadkii hore waqooyiga Dalkaasi.

15671839809c771.jpg

Diyaarado aan la aqoon cidda iska leh ayaa beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Xashaad Al-Shaabi oo gacan saar la leh xukuumada Baqdaad.

Afhayeenka isbaheysiga Fatax Axmad Al-Assadi ayaa warbaahinta ugu sheegay xafiiska uu ku leeyahay bartamaha magaalada Baqdaad in qaramada midoobay ay u gudbinayaan dacwad ka dhan Israa’iil.

Mr Axmed ayaa intaa ku daray in ay hayaan cadeymo muujinaya in Israa’iil ay ka dambeyso duqeymo ka dhacay waqooyiga Ciraaq.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor laba diyaarad oo nuuca aan duuliyaha laheyn lagu soo riday kantaroolo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xashaad Al-Shaabi.

Mas’uulkaan ayaa dhanka kale ka gaabsaday in duqeymahaan ay wax ka ogtahay dowlada Mareykanka iyo Inkale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this