Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub Oo Soo Dhaweeyay Dadaal Kasta Oo Lagu Ilaalinayo Heshiiska Nuclear-ka Iiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Madaxa siyaasada arimaha dibada midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay in 28-da dal ee midowga ay sii wadi doonaan ilaalinta heshiiskii Nuclear-ka ee wadamada quwadaha la galeen Iiraan sanadkii 2015-ka.

1567185179bc980.jpg

Xilli ay warfidiyeenada kula hadleysay intii lagu guda jiray kulan ay Jimcaha maanta ku yeesheen wasiirada arimaha dibada midowga Yurub, magaalada Helsinki ee caasimada u ah Finland ayaa waxay sheegtay in door muhiim ah ay ka cayaari doonto ilaalinta heshiisyada jira.

Waa ku celinayaa markale hadii ay jirto wax kasta oo lagu hormarinayo ilaalinta heshiiska wadamada quwadaha iyo Iiraan ee loo yaqaan it [JCPOA], waan soo Dhaweyneynaa ayey tiri Mogherini.

Hadalka ka soo yeeray madaxa siyaasada arimaha dibada midowga Yurub Federica Mogherini ayaa imaanaya iyadoo sare ay u sii kaceyso xiisada ka dhex aloosan Washington iyo Tehraan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii hore ee 2018-ka sheegay in Mareykanka uu ka baxay heshiiskaasi waxaana uu ugu baaqay si la mid ah dalalkii qeybta ka ahaa in ay ka Laabtaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this