Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaare Caan Ah Oo Eedeeyay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Ra’isal wasaaraha Mauritius Mr Pravind Jugnauth ayaa dawladda Somaliland ku cambaareeyay tallaabada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku sii daayay Maxaabiis Budhad Badeed ah oo ku xidhna xabsiyada Somaliland.

3.png

Madaxweyne Biixi ayaa Maxaabiistan u dhashay Soomaaliya oo xukunkoodu gaadhayay 30 ilaa 42 sanno dhawaan ku sii daayay cafis madaxweyne. Maxaabiistan oo lagu xukumay dalka Seychelles ayaa Somaliland loogu soo wareejiyay in ay xabsigooda ku dhammaystaan kadib heshiis dhexmaray xukuumaddii Siilaanyo iyo dawladda Seychelles.

Ra’isal wasaare Pravind ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabada Madaxweyne Biixi ku sii daayay Maxaabiistan waxaanu tilmaamay in ay dhabar jab ku tahay dadaallada caalamiga ah ee la dagaalanka Budhcad Badeedda.

Mr Pravind ayaa hadalkan sheegay kadib kulan uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres kula qaatay magaalada Yokohama ee dalka Japan waxaanu sheegay in aad uga walaacsan yahay sii daynta Maxaabiistan.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ee Mauritius Mr Nadcoomar Bodha ayaa kulan uu caasimadda dalkaas ee Port-louis ugu qabtay kooxda la dagaallanka Budhcad Badeeda ee xeebaha Soomaaliya waxa uu u sheegay in ay sharci jebin tahay sii daynta Maxaabiista, islamarkaana ay adhax jab ku tahay xidhxidhidda Budhcad Badeeda oo yaraysay falalka Budhcad Badeednimo.

Waxa uu sheegay in ay Golaha Ammaanka iyo xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u gudbiyeen qaraar lagu adkaynayo in aan si sahlan loo sii dayn Maxaabiista loo xidho falal budhcad badeednimo.

Dawladda Seychelles ayaa sidoo kale cambaaraysay sii daynta Maxaabiista Somaliland cafiday oo ay ku sheegtay in ay tahay jebin heshiis ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Seychelles.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this