Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamo AMISOM Ah Oo Gaaray Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo Jabuutiyaan ah, kana mid ah howlgalka AMISOM ayaa saakay waxa ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin Galmudug Ah, siyaasiyiin iyo dadweyne badan ayaa ciidankan kusoo dhoweeyay magaaladaasi.

Ciidamadan ayaa kasoo baxay dhanka gobolka Hiiraan, waxaana ay fariisimo ka sameysteen xarumaha dowladda ee magaaladaasi, iyadoo sidoo kale ay degeen garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb.

Ciidamada AMISOM ayaa ka qeybqaadan doona sugidda ammaanka magaalada Dhuusamareeb, iyadoo dhowaan halkaasi lagu qaban doono shirka dib u heshiisiinta Galmudug iyo midka lagu dhisayo maamulka Galmudug.

A6.jpg A5.jpg A4.jpg A3.jpg A1.jpg

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this