Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo ka warbixisay sababaha AMISOM loo geeyey Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin guud ka bixiyey ujeedada ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM loo geeyey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Taliyaha qeybta 21-aad ee deegaanada Galmudug, Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee Hiil-Walaal ee la geeyey Dhuusamareeb ay ka caawin doonaan nabad gelyada magaalooyinka maamulkaasi.

“Ciidamadan Hiil-Walaal ee ka socda Jabuuti kana tirsan AMISOM waxey halkan u yimaadeen in ay naga caawiyaan Amniga dhibaato kale ma jirto, waa been abuur wararka la leeyahay ee ah halkan lagama jecla, waa walaalaheen gacan ayeeyna na siinayaan.” ayuu yiri taliyaha.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la wareegay xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan lagu qaban doono doorashada Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this