Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul ka tirsanaa maamulka Afgooye oo ka badbaaday dil

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar gaadma ahaa oo lagu dili rabay mas’uu ka tirsanaa maamulka degmada  Afgooye uu saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaaladaasi.

War ka soo baxay Al-Shabaab, laguna baahiyey boggaga taageera ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan kuwooda.

Al-Shabaab ayaa baahisay in weerarkan ay la beegsatay Cali Xuseen Barqash oo ah guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmadaasi.

Qoraalkan ayey sidoo kale Al-Shabaab ku sheegatay in dhaawac culus ay gaarsiisay mas’uulkaasi, sida hadalka u dhigtay.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha dhanka amniga oo ku aadan weerarkaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah iyo dilal qorsheysan ka fulisan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this