Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dibadbax looga soo horjeedo go’aankii DF oo ka bilowday Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Banaanbax ballàaran ayaa lagu soo warramayaa goor dhow ka bilowday gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dibadbaxa ayaa waxaa looga soo horjeedaa go’aankii dowladda Soomaaliya ku amartay in diyaaradaha tegaya ama ka imaanaya Kismaayo ay soo maraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dadweynaha dhigaya dibadbaxa ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa hakad ku jira dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka guud ahaan magaaladaasi.

Banaanbaxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu weli taagan yahay khilaaf xoogan oo uu dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland, kaas oo ka dhashay doorashadii dhowaan ka dhacday magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

D-6.jpg 1-139-696x522.jpg d.jpgBanaanbax.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this