Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar oo soo bandhigtay warqad hanjabaad dila oo loo soo diray

Recommended Posts

Deeq A.   

ilhanohin.jpeg?resize=690%2C440

lhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa shaacisay in hanjabaad cunsurinimo ah loo soo diray loona sheegay in lagu dili doono madal ay dawladdu qabanayso, dilkaasna uu gaysan doono “qof awood u leh oo qori wayn wata”.

Ilhaam Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa sheegtay in fariimo dadka soo diraya ay is qarinayaan oo noocaas oo kale ah ay sababeen in ay ilaalo samaysato.

Waxay hadadalkaas sheegtay iyadoo Roy Moore oo ah murashax aqalka Senet-ka quudaraynaya uu sheegay in “Madaxweyne Trump uu hadal sax ah sheegay, ayna dib ugu laaban doonto Soomaaliya”.

Xildhibaanka xisbiga Jamhuuriga ee Alabama ayaa ku baaqay in Ilhaan laga eryo aqalka Congress-ka.

“Waan necbahay in aan ku nool nahay duni uu qofi kaa ilaalinayo dad kale, balse inta dadkan aan fayoobayn ay u hanjabayaan aniga iyo dadka kalaba, waa in aan aqbalaa xaqiiqada ah in la i waardiyeeyo.”, ayay qoraalka twitter-ka ku tidhi Ilhaan Cumar.

ilhandil.jpeg?resize=680%2C456
wZtYO03x_normal.jpg

Ilhan Omar

✔@IlhanMN

I hate that we live in a world where you have to be protected from fellow humans. I hated it as a child living through war and I hate it now.

But until deranged people like this stop threatening my life and the lives of others, I have to accept the reality of having security. https://twitter.com/lollardfish/status/1166508960612048896 

View image on Twitter

David M. Perry

✔@Lollardfish

Replying to @Lollardfish

I’m not at a good angle. But here’s a visual of the congresswoman and her security

Ilhan Omar in orange and a big dude in a dark suit behind (he’s security)

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this