Deeq A. Posted August 30, 2019 Kismaayo (SMN) – Ciidamada Xoogga Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Jubbaland ayaa la wareegay gacan ku haynta degaano ka tirsan Jubada Hoose. Qabshadan tuulooyinkan oo hoostaga Jamaame ayaa ka dambeysay markii ciidamadda ay halkaasi ka sameeyeen howlgalo kala duwan. Ciidamadda xorreeyay goobahaasi ayaa waxaa la sheegay in ay ka baxeen degaanka Baar Sanguuni ee gobolkaaasi. Dhinaca kale, saraakiisha ayaa sheegay in mudadii ay wadeen howlgaladaasi ay kusoo qabqabteen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab. Marka laga soo tago sheegashadda xoogaga dowladda ma jiro wax war ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxay dhanka AlShabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites