Deeq A. Posted August 30, 2019 Muqdisho (SMN) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen [Muungaab] ayaa ka codsaday madaxda dowladda in ay shaqadiisa u madax banaaneeyaan duqa cusub ee caasimadda. Muungaab oo ka hadlayey xafladda xil la wareegida Cumar Filish oo ka qabsoontay xarunta dowladda hoose ayaa soo jeediyay in hadii talaabadaasi la qaado uu wax badan qaban doono gudoomiyaha cusub. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sidoo kale ka dalbaday in ay si dhow ula shaqeeyaa mas’uulka cusub gaar ahaan dhinacyadda amniga, horumarka iyo bilicda magaala madaxda dalka. Gudoomiye Cumar Filish oo balanqaadey in dhowaan dib loo furi doono jidadka xiran ee magaaladda Muqdisho ayaa dadweynaha iyo siyaasiyiinta ku booriyey in ay garab istaagan maamulka cusub ee uu hogaamin doono. View the full article Share this post Link to post Share on other sites